Waxaa jiraan wax yaabo badan oo nolosheena u ah muhiim ayna tahay inaan ku dhaganaano. Ayadoo aadan noqoneyn qof mayal adag hadana waxaa jira wax yaabo aan laga gorgortamin ama laga tanaasuli karin.
Halkaan hoose waxaa ku soo koobay shan shay oo kamid ah waxyaabaha ay tahay inaa mar walba ku adkeysatid ama aadanba soo saarin miiska wada hadalka.
1. Salaada: salaada waa shayga waajibka nagu ah ee hadana nolosheena sida joogtada ah ugu taxan. Maalinkii kaliya ayaa lagaa rabaa inaa shan jeer ilaahey hor istaagtid. Hadaa samayn. Weysid ciqaab adag baa mareysaa waa xaqiiqo aan daah saarneyn. Marba hadey saas kuu tahay maxaa kugu kalifaaya ineey noqoto wax aa sahlaneyso ama lagaa duufsan karo. Ka dhig salaadada iyo acmaasha waajibka ah mid aadan marnaba wada hadal ka furi karin. Si gaara marka dad aan salaada daneyn aad ku dhex jirto. Ahmiyada salaada muuji.
2. Xiriirka qoyskaaga: qoyska waa waxa ugu muhiimsan ee aad haysato. Waa hantida dhabta ah ee aduunyada aad ku leedahay. Waana dadka kaliya ee kula raba inaa guul gaadho. Wax kastoo idinku yimaadana ma noqoneysaan dad kala go’i kara marka calaaqada qoyskaaga ha ahaato mid ka horeysa calaaqada qof walba. Tix gali rayigooda iyo taladooda in kadan saaxiibada iyo dadka kale.
3. Ka run sheegida naftaada: adoo maya rabtid inaa dhahdid Haa ha isku qasbin hadhowna haka qoomameyn. Waligaana rayigaaga ha la gaban inaa cabirtid. Is ahow.
4. Qiima naftaada: marna ha qaadan waxaan kuu qalmin. haka yeelin qof inuu ku liido, ku xaqiro ama ku bahdilo. Naftaada adigey kuu soo hareysaa ugu danbeyn. Ha ogolaan inaa qoomamo iyo ciil iskula noolaato. Qofkaan kuu hayn qadarin intaa u haysoo kale wadada ku qulqul dheh.
5. In lagu maquuniyo: maquunisku waa in lagu qasbo ama lagugu cadaadiyo wax aan marnaba kuu cuntamin ama kuu qalmin. Ha ogolaan in lagugu qasbo inaa been sheegto, qof dulmiso, marqaati beenaale noqoto. Qof aadan jecleen inaa isku qasabtid iwm. Dareenkaaga gudaha ka imaanaya il hoose ku eeg.

Waa ku mahadsantahay aqriskaaga. Faalo inaatn ka duwan hadaa hayso noo reeb.