Riyadeydii muxaadarada maxaa ka run noqday?

Waligey intaan habeen riyoonayay ma arag riyo ii furanta ama rumowda sababtoo ah badanaa maba xasuusto xalay waxaa ku riyooday. Balse waxaa jiraa kuwo yaro aan qalbiga ka bixin. Habeen aan saa usii fogeyn oo bishii ina dhaaftay ee sanadkii dhamaaday ayaa waxaa ku riyooday anoo jooga meel shiikh mustafe uu muxaadaro ku qabanayo, (dabci bey ii noqotay waayahaan danbe markaa rabo inaa seexdo inaa wacdi ku tuurto inta badana shiiq mustafa dhageystaa).

Riyada Waxay u ekeet meel guduud u badan iyo xoogaa madow ah, shiiqana uu dhexda fadhiyo anagana aan kasoo horjeedno kadibna uu noo muxaadareeynaayo. Aniga aadaa ugu farxasanaa si si waxaa u dareemaayay shiiqa inaa u dhawahay 😂. Waqti dheer baa ag joognay oo uu noo wacdinaayay.

Adu yaan war kugu daaline riyadii si bey iigu taagneed, lakin marna ma is dhihin waa rumoobi. Balse ilaahey iraadadiisa maantay oo ahayd 04 jan 2020 ayaa waxaa ka qayb galay muxaadaridii ugu horeysay een abid tago. Waligey shiiq ma hor fariisan iimana wacdin. Wey jirtaa in macalin dugsi kitaab yar ii raacay lakn muxaadaro weyn waa tii iigu horeysay. Waxaa muxadarada soo jeedinayay mashaa iq dhowr ah, ilaahey fadligiis shiiq mustafaa ka mid ahaa. Aad baa u farxay markii kow la ii sheegay inuu Istanbul imaanayo oo uu mixaadaro ka jeedinaayo, waakaa hilmaaame waa tii maalmo hore ee bishii Dec eey culumo badan nairobi muxaadaro ka jeedinaayeen. Maalinbaa niyada iska iri tolow iney halkaan yimaadan malaga yaabaa 🤔 ilama ahan baa iskugu jawaabay.

Alhamdulilah shiiq mustafe iyo culumo kale ay kamid yihiin shiiq siciid raage, shiiq Dr Ali saalax iyo shiiq dalxa ayaa imaadeen istanbul . Si wanaagsan oo khair leh ayay noogu wacdiyeen wanaagana waana fareen allaha ka raali noqdo kuligoode.

Meesha muxaadarada ka dhaceyso muuqaalkeeda wax badan oo ihtimaam ah masiinin kumana mashquulin. Waxaa is lahaa wadaada si fiican u dhageyso waqtigaaga ka faaideyso lakin maskaxda maa kula tashanee. Cabaar kadib offline ee iska noqonee. Mar danbaa waxaa ku baraarugay anoo iska fikiraya meesha see u egtahay saan soo xasuustay alaa waataa ku riyootay ayadoo sidaas u eg. Subhan allah waaba sidi aan arkay iyo si ka ag dhow. Meel fadhigeeda gaduud yahay daahyo madow ku xiranyahay theater cml u eg( theater na abiykey ma tagine lkn saas cml) anigii jariiracaa iga kacday. Riyadeydii wee rumoowday aa is dhahay 😭muxaadradii markaas leeba si fiican usoo dhageestay. Alhamdulilah.

Published by XAFSANIMO

magacaygu waa xafsa cabdicaziiz. Degan waxna ka barata Istanbul 🇹🇷. Jecel wax aqriska iyo dhageysiga lakin kasii jecel ineey hadasho oo dadka wax u sheegto. Halkeygaan waxaan idinkula wadaagi doonaa aragtiyaheyga iyo falcelinadeyda. Isha igu haaya! 😉

9 thoughts on “Riyadeydii muxaadarada maxaa ka run noqday?

  1. Masha ALLAH. Kheyrka qofki badsada kheyr buu ku riyooda ilahayna waa u rumeya riyadiisa. Siiroyinka Rasuilla dhagaysigeeda badi waa intaas oo aad Rasuulkeena NNKH ku riyooto isagane iyo janooyinka qisaska ku saabsan.

    Like

  2. Riyada da wanaagsan wey isfurtay ayadoo sideedii ah. Culumada ma idiin duceeyen maada aad tihin dad qariib ku ah wadan ka.?
    Guuleyso Hafsa❤️💐

    Like

  3. Maansh allah riyada wanaagsan ee khayrka xambaarsan waa rumowdaa Alxamdulilaah khayr kale oo bdn in ilaahay ku rumeeyo baa ku rajeynyaa xafsa abdiaziiz🤩

    Liked by 1 person

  4. Waxaan Allaah kaaga baryayaa inuu riyooyinkaaga wanaagsan kuu rumeeyo. Nimcada ilaahay bay ka mid tahay Inaad Allah ka hesho riyadaada oo siduu qalbigaaga rabay laguu yeelo ee ilaahay ku xamdi mar walba oo joogtay inaad ilaahay ku shukriso

    Like

Leave a comment